Isku xirrada

War Deg-Deg ah

'Ciidamada NATO oo Shacab ku Laayey Afghanistan'


Saraakiisha dalka Afghanistan ayaa sheegay in weerar duqeyn ah oo ay ciidamada caalamiga ah ka fuliyeen gobolka bari ee Nangarhar ay ku dhinteen 16 qof oo shacab ah, oo ay ku jiraan haween iyo caruur.

Saaz Wali, oo ah maamulaha ugu sarreeya degmada Haska Mina oo dadka lagu dilay, ayaa VOA u sheegay jimcaha maanta in duqeynta ay haleeshay baabuur iyo koox dad ah oo ku kala sugnaa laba goob.

Sideed ka mid ah dhibanayaasha ayaa ku jira baabuurka, waxaana ay kasoo wada jeedeen hal qoys.

“Waxaan baareynaa eedeymahan, waxaana faahfaahin bixin doonnaa marka ku habboon” Waxaa sidaas VOA u sheegay afhayeen u hadlay howlgalka NATO ee dalka Afghanistan.

Saraakiil ammaan oo deegaanka ah ayaa xaqiijiyey in ciidamada Afghanistan oo ay taageerayaan NATO ay howl-gal ka dhan ah argagixisada Daacish ka fulinayaan degmada dadka lagu laayey.

Dagaalka dalka Afghanistan ayaa dilay 1,700 oo qof oo shacab ah, islamarkaana dhaawacay tiro kale oo badan tan iyo bilowgii sanadkan 2017, sida ay sheegtay QM.

XS
SM
MD
LG