Isku xirrada

War Deg-Deg ah

EEOC: Cargill Xadgudub ayay ku Sameysay Soomaalida


Cargill
Cargill

Guddiga fursadaha shaqaaleynta siman ee Mareykanka ee EEOC ayaa go’aamiyey inay jirto sabab macquul ah oo muujineysa in xuquuqda madaniga ee Soomaalida Mareykanka lagu xadgudbay markii shirkadda Cargill ay u diiday inay ku tukadaan warshad hilibka lagu baakadeeyo oo ku taala gobolka Colorado.

Go’aankan ayaa la gaaray laba sano kadib markii 150 qof oo shaqaale Soomaali ah ay shaqada ka dareereen kadib markii kor joogeyaashooda shaqada ay u diideen inay dukadaan xilliga ay ku jiraan fasaxa cuntada.

Cargill, oo ah shirkadda ugu weyn Mareykanka ee sida shaqsi loo leeyahay, ayaa markaa kadib shaqaalaha ka ceyrisay shaqada, ayada oo ku eedeysay inay ku xadgudbeen shuruucda ka qeyb-galka shaqada ee warashadan oo ku taalla magaalada Fort Morgan.

Cargill ayaa ku dodoeysa in dhacdadan ay si xun u maareeyeen kor joogayaasha shaqada iyo shaqalaaha.

“Waxaan sameynaa waxa sharciga naga doonayo, waxaana bixinaa goobo waajibka diimeed lagu guto oo dheeri ah” ayay Cargill ku tiri bayaan ay soo saratay.

.

XS
SM
MD
LG