Toddobaad ayaa laga joogaa markii Neymar uu cago dhigtay magaalada Paris, hase yeeshee cayaaryahanka ugu qaalisan dunida, ayaan weli u cayaari karin kooxdiisa Paris Saint Germain.
Neymar oo toddobaadkii tagay Barcelona kaga soo tagay heshiis 262 million oo dollar ahaa, ayaan haysan fasax uu uga cayaaro horyaalka Ligue 1 ee Faransiiska.
Neymar ayaan weli haysan shahaadada caalamiga ah ee ITC, oo horyaalka Faransiiska uu u baahan yahay, si loogu ogolaado inuu u cayaaro kooxdiisa cusub.
Horyaalka Faransiiska ayaa maanta sheegay inay shahaadadan weli ka sugayaan xiriirka Spain. Haddii ka hor caawa saq dhexe aysan shahaadadan helin, awood uma yeelan doono Neymar inuu sidoo kale cayaaro cayaarta kooxdiisa ee dhammaadka toddobaadkan.
Horyaalka Faransiiska ayaa sheegay in weli aysan fahamsaneyn sababta xiriirka Spain ay u diidan yihiin inay soo gudbiyaan shahaadadan.
Kooxda Barcelona ayaa sheegtay in arrintan ay caadi tahay, islamarkaana xiriirka Spain uu sugayo in lacagtii Neymar uu ku nasakhay heshiiska ay kasoo muuqato Bankiga ka hor inta aan shahaadada lasoo saarin.