Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Wasiirada oo Ansixiyey Hindise Sharciyeedka Hubka


golaha wasiirada
golaha wasiirada

Golaha wasiirrada dowladda Somalia ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeed ay soo diyaarisay wasaaradda amniga oo qeexaya xakamaynta Hubka, iyo ciqaabta ay mutaysan karaan cid kasta oo hub sharci darro ah lagu qabto wixii ka dambeeya marka xeerkaasi dhaqan galo.

Wasiirka Warfaafinta Somalia Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), ayaa VOA u sheegay in xeerka loo gudbin doono golaha shacabka, si ay uga doodaan, haddii ay ansixiyaanna uu sidaas ku dhaqan gali doono.

Sahra Ciidle Nuur ayaa khadka telephone ee Muqdisho kula xidhiidhay Wasiir Yariisow, waxaanay waydiisay inuu faah faahin ka bixiyo xeerar ka lagu ansixiyay fadhigii maanta ee golaha wasiiradda.

Wareysi: Wasiir Yariisow
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:07 0:00

XS
SM
MD
LG