Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Soomaali iyo Ethiopian ku Dhintay Xeebaha Yemen


Koox u dooda xuquuqda muhaajiriinta, ayaa sheegtay in dadka wax tahriibiya ay 50 dhallinyaro Soomaali iyo Ethiopian ah ku harqiyeen xeebaha Yemen, kadib marki ay si ula kac ah biyaaha ugu tuureen.

Shaqaalaha hay’adda IOM, ayaa sheegay in xabaalo ay ku aasan yihiin in badan oo dadkan ka mid ah ay ka heleen xeebta gobolka koonfurta Yemen ku yaalla ee Shabwa.

Dad ka badbaaday dhacdadan, islamarkaana aasay kuwa dhintay, ayaa sheegay inay ahaayeen 120 qof oo saarnaa doon ka timid Soomaaliya, oo ku socota dalka Yemen.

Dadka tahriibinayey dadkan ayaa baqay markii ay u qaateen in mas’uuliyiinta dalka Yemen ay arkeen, kadibna ay go’aansaday in tahriibayaasha ay si ula kac ah badda ugu tuuraan markii ay kusoo dhowaadeen xeebaha, sida ay sheegeen dadkii ka bad-baaday.

Ma cadda weli inta ay xeebta u jireen markii dadkan badda lagu daadiyey.
Shaqaalaha IOM ayaa qiyaasaya inay harqadeen 50 ka mid ah dadkan. Waxaa xeebta la helay 27 ka bad-baaday, ayada ugu yaraan 22 kale la la’yahay.

Cel-celiska da’da dadkan ayaa ahayd 16 jir, sida ay sheegtay hay’adda IOM.

Kooxda falkan ka dambeeyey ayaa la sheegay inay markii ay dadka daadiyeen kadib u jiheysteen Soomaaliya, si ay uga soo kaxeeyaan tahriibayaal kale.

Qiyaastii 55,000 oo muhaajiriin oo ka yimid Geeska Afrika, ayaa sanadkan gaaray dalka Yemen, ayaga oo rajeynaya inay uga sii gudbaan dalalka Khaliijka.

XS
SM
MD
LG