Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliye ku Xigeen lagu Dilay Boosaaso


Boosaaso
Boosaaso

Kooxo bastoolado ku hubeysan ayaa saaka toogasho ku dilay taliye ku xigeenkii saldhiga bartamaha ee magaalada Boosaaso Xidigle Cabdi Cali (Cabdi Dheere), meel aan ka fogeyn maxkamada magaalada Boosaaso.

Dableydii dilka geysatay ayaa la xaqiijiyey in ay baxsadeen, mana jiro wax war ah oo maamulku weli ka soo saaray balse Al-shabaab ayaa bartooda Internetka ku sheegtay in ay iyagu dilka sarkaalkaas ka danbeeyeen.

Waxaa toddobaadkan magaalada Boosaaso laga dareemayaa in ay ku soo badanayaan dilalka qorsheyn, waxaana shalay magaalada lagu dilay nin shacab ah oo ilaa iminka aan la heyn ciddii dishay.

Dhinaca kale, waxaa la soo qabtay gacan ku-dhiiglihii dilay guddoomiye ku xigeenkii hore ee maamulka gobolka Bari Khalar Ismaaciil Buncun, kadib markii ay ciidamada amniga u soo gacan geliyeen Nabadoono iyo cuqaasha beesha uu ka soo jeedo gacan ku-dhiigluhu.

XS
SM
MD
LG