Isku xirrada

Rummenigge: "Garoon ayaan ku dhisi lahaa lacagtii Neymar"


Karl-Heinz Rummenigge

Guddoomiyaha kooxda Bayern Munich, Karl-Heinz Rummenigge ayaa sheegay inaanu marnaba 261 milyan oo dollar ku iibsnan lahayn cayaaryahan, lacagtaas oo kooxdaas PSG ay bishii hore ku gadatay Neymar.

Rummenigge ayaa sheegay in taa beddelkeed uu lacagtaas ku dhisi lahaa garoon kubbad cagta ah.

Karl-Heinz Rummenigge oo sidoo kale madax ka ah xiriirka kooxaha yurub ee ECA ayaa sheegay in loo baahan yahay in caqligu shaqeeyo, xilli qiimaha cayaartoyda lagu kal iibsado ee dunida uu faraha kasii baxayo.

“Markii lala wareegay Neymar, waxaan is-weydiiyey su’aal ah, keeba muhiimsan Neymar ama Allianz Arena” ayuu Karl-Heinz Rummenigge u sheegay wargeyska Bild.

“Waxaa ii soo baxday in Allianz Arena ay ka muhiimsan tahay Neymar. Kooxda Bayern waa inay yeelataa falsafad taas ka duwan” ayuu yiri Karl-Heinz Rummenigge.

Allianz Arena waa garoonka ay ku cayaarto kooxda Bayern Munich.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG