Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Roma oo aan weli ka quusan saxiixa Mahrez


Riyad Mahrez
Riyad Mahrez

Kooxda AS Roma weli kama aysan quusan rajada ay ka qabto inay kooxda Leicester City heshiis kala gaarto saxiixa Riyad Mahrez, hase yeeshee waxa ay sidoo kale qiimeeneysaa bartilmaameedyo kale, waxaa sidaas sheegay agaasimaha cayaaraha kooxdaas Monchi.

Warbaahinta Britain ayaa ku warrantay in Leicester ay diiday saddex yabooh oo kooxda reer Talyaani ee Roma ay usoo bandhigtay.

“Waxaan ku faraxsanahay dadaallada kooxda ay sameeneyso si aan ula soo wareegno Mehrz, uma maleenayo in kooxdan ay marar badan yaboohday 35.2 milyan oo dollar” ayuu Monchi u sheegay weriyayaasha.

“Yaboohii ugu dambeeyey ee aan sameynay wuxuu ahaa kii ugu ballaarnaa taariikhda kooxda Roma, marka waxaan wadnaa dadaal iyo wada-hadal, waxaana fileynaa jawaab” ayuu yiri Monchi.

Mahrez oo muhiim u ahaa guushii xusuusta ahayd ee kooxdaas ay ku hanatay horyaalka Premier League sanadii 2016 ayaan xilli cayaareedkii tagay muujin hab cayaareed kaas la mid ahaa.

Wuxuu kooxda Leicester u dhaliyey 35 gool, kadib 100 kulan oo uu saftay tan iyo markii uu kaga soo biiray 2014 kooxda Faransiiska ee Le Havre.



XS
SM
MD
LG