Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Baadhista Dadkii Ku Geeriyooday Weerarkii 11 September 2001


Mid ka mida dadkii ku geeriyooday weerarkii 11-ka September 2001, ee lagu qaaday daarihii dhaadheeraa ee Rugta Ganacsiga, New York, ayaa haatan la aqoonsaday, ka dib baadhis lagu waday lix iyo tobankii sano ee ugu dambeeyey, qaar ka mida dadkii daarahaas ku dhintay oo aan weli la aqoonsan.

Guddida Caafimaadka ee New York ayaa shalay Isniintii shaaciyey arrintan hase ahaatee magaca qofkan dhintay ayaanay sii dayn, ka dib markii qoyskiisu ka codsadeen.

Illaa 1,641 ka mida dadkii saraha dhaadheer ee New York ku dhintay sannadkii 2001 ayaa la aqoonsaday cidda ay yihiin, taas oo ka dhigan in 40% dadkii goobtaas ku dhintay in lagu wado baadhis kala duwan si loo aqoonsado cidda ay yihiin.

Tallaabadan lagu aqoonsaday qofkan ku geeriyooday weerarkii 11 September ayaa ka dambaysay ka dib markii New York la geeyey Farsamo Casri ah oo ah raadraaca hidda sidaha bini'aadanka (DNA), waxaana farsamadan casriga ah ee DNA ay ka caawisay kooxda barnaamijkan ku lugta leh inay aqoonsan karaan xubnihii goo'go'ay ee dadkii ku dhintay saraha dhaadheer.

Illaa 3,000 oo qof ayaa ku geeriyooday weeraradii 11 September ee ka dhacay New York, Xarunta Wasaaradda Gaashandhigga ee ku taalla Washington iyo Pennsylvania.

XS
SM
MD
LG