Xubin ka tirsan Guddiga xuquuqda aadanaha ee Jabuuti ayaa maanta u sheegay idaacadda VOA inuu geeriyooday maxbuus ka tirsanaa mucaaradka jabhadda FRUD oo muddo sannado ah xabsiga ku jiray. MAXAMAD AXMAD JABHA ayaa wararku sheegayaan inu dhintay maalintii Talaadada balse maanta uu la sheegay. Warar hordhac ah oo la isla dhexmarayey ayaa sheegayey inuu ku dhintay xabsiga inkastoo maanta Guddoomiyahaa Guddiga dawladda Jabuuti ee xuquuqda aadanaha SALEEBAAN CUMAR CUDIN uu VOA u sheegay inuu cisbitaal ku geeriyooday. Saleebaan Cumar Cudin ayaa waraysiga uu siiyey VOA marka hore waxa uu kaga hadlayaa xaaladda xabsiyada Jabuuti.
Dinaca kalana, dawladda ayaa sheegtay inuu Jabha u dhashay Eritrea hase yeeshee waxaa taasi diiday mucaaradka.
Dhageyso wareysiyo aan geerida Maxamaed Jabha kala yeelanay Wasiirka Caddaaladda ee Jabuuti Muumin Axmed Sheekh iyo Ducaale Cige Coofle oo ka tirsan xubnaha baarlamaanka Jabuuti ee mucaaradka ah.
Dhageyso wareyiyada