Isku xirrada

Al-Shabab oo Qabsaday Leego Kadib Markii ay ka Baxeen Amisom


Shabaab

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa dib u qabsaday magaalada Leego oo 120 km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho.

Al-Shababa ayaa qabsatay magaalada kadib markii ay saaka ka baxeen ciidamada Uganda oo halkaasi ku sugnaa muddo laba sano ah.

Leego ayaa horey saldhig ugu ahayd ciidamada Burundi oo kooxda Al-Shabaab ay halkaas ku weerareen 26-kii June ee 2015-kii, halkaas oo ay ku dileen askar badan.

Maamulka gobolka ayaa sheeegay inaan hore loola socodsiin ka bixitaanka Amison ee Lego.

Haaruun Macruuf ayaa qabsashada Leego ka waraystay guddoomiyaha gobolka Shabeellada Hoose Ibraahim Aadan Najax.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG