Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada.
Gudigaasi waxaa gudoomiye u ah, Jeneraal Axmed Jaamac Muuse, halka Sheekh Nuur Baaruud Gurxan loo magacaabay Guddoomiye Ku Xigeenka Guddiga Qaran ee Taakulaynta Ciidamada.
Wariyaha VOA-da Nur Hassan Nur Bukhari, ayaa khadka taleefanka ee Muqdisho kula xiriiray Sheekh Nuur Baaruud, waxaana uu ugu horreyn weydiiyey baahida keentay in gudigooda la magacaabo.