Wararka ka imanaya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in ciidmada Uganda ee AMISOM ka tirsan iyo kuwa dowladda Somalia ay isku diyaarinayaan inay ka baxaan saldhig military oo muhiim ah oo ku yaalla degaanka Leego.
Dadka deegaanka ayaa VOA u sheegay in ciidanka la filayo inay saldhiggaasi ka baxaan saacaddaha soo socda, waxaana dhici karta in maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab ay qabsadaan xeradaasi.
Laba sano ka hor, maleeshiyada al-Shabaab ayaa xaradaasi weeraray, halkaasina ku dilay ciidamo Burundi u dhashay oo xeradaasi hore u daganaa.
Falastin Axmed Iman ayaa goor dhaweyd arrintan ka wareystatay Cabdulqaadir Cabdiraxmaan Cali “Baraf” oo ah wasiiru-dowlaha amniga ee maamulka Koonfur Galbeed.