Somaliland ayaa maanta go’aamisay inaan dib loo furin kaniisad muran dhalisay oo dayactir lagu sameeyay oo ku taalla magaalada Hargeysa.
War murityeed ka soo baxay wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa lagu sheegay in xukuumaddu ay oggolaatay talooyin xalay ka soo baxay culumada Somaliland iyo baaqyo ka yimid bulshadda oo ku baaqayay in aanay bannaanayn dib-u-dayactirka kaniisadaasi.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.