Saddex sarkaal oo ka tirsan ciidamada milatariga Djibouti ayaa ku geeriyooday kadib markii ay saakay burburtay dayuurad yar oo ay saaraayeen.
Dayuuradan ayaa ku burburtay garoonka dayuuradaha ee magaalada Djibouti. Faahfaahinta dhacdadan waxaa magaalada Djibouti nooga soo diray wariyeheenna Ramadan Muuse.