Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Cunaqabatayn Saaray Venezuela


Maraykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogay madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro, iyaga oo ku eedeeyey hindisihiisa sharciga baalmarsan ee uu ku dhaqan gelinayo golaha sare ee ka shaqaynaya dib u qorista dastuurka dalkaas.

Xoghayaha Maaliyadda Maraykanka Steven Mnuchin ayaa ku dhawaaqay in la xayiray dhammaan hantida madaxweyne Maduro uu ku leeyahay Maraykanka, isla markaana dadka Maraykanka ah laga mamnuucay inay wax ganacsi am la sameeyaan madaxweynaha Venezuela.

Xoghayaha Maaliyadda ayaa ku tilmaamay madaxweyne Maduro, inuu yahay keli taliye iska indho tiray doonista shacabkiisa.

XS
SM
MD
LG