Isku xirrada

10 ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Muqdisho


Mogadishu Explosion

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay 15 kalena way ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdishu .

Goobjoogayaal ayaa idaacadda VOA Somali u sheegay inay arkeen maydka toddoabada qof. Dhaawaca ayaa la kala geeyey cisbitaallada Muqdishu.

Mas'uuliyiinta amniga ee dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in qof ismiidaamiye ahi uu waday baabuurka qarxay .

Mogadishu Explosion
Mogadishu Explosion

Baabuurkan ayaa la sheegay inuu ku ku socday waddada Maka Al-Mukarama xilli ay halkaasi ka jirtay saxmad oo ay baabuur badan sanka isku hayeen.

Ilaa hadda ma cadda meesha uu u socday baabuurkan ee uu bartilmaameedsan lahaa.

Qaraxa ayaa ka dhacay inta u dhaxaysa saldhigga boliska Waaberi iyo huteelka Maka Al-Mukarama.

Mogadishu Explosion
Mogadishu Explosion

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG