Isku xirrada

Madaxweyne Trump oo Cambaareeyey China


Trump

Madaxweyne Donald Trump ayaa mar kale cambaareeyey Dowlada Shiinaha, kadib marki ay ku guuldareystay in ay ka joojiso Kuuriyada Waqooyi tijaabada gantaalada riddada dheer iyo barnaamijkeeda hubka niyukleerka.

Madaxweynaha Mareykanka, wuxuu sheegay in Shiinaha uu si fudud u xalin karo mushkilada.

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Rex Tillerson, oo isna ka hadlay gantaalki ay Jimcihi ridday Kuuriyada Waqooyi, ayaa ku eedeeyey dowladaha Ruushka iyo Shiinaha inay iska indhatirayaan khatarta sii kordheysa ee ka imaaneysa Kuuriyada Waqooyi.

Inkasta oo uu ku dhacay meel u dhaw xeebaha galbeed ee Japan, hadana gantaalka baalistaga ahaa ee ay tuurtay Kuuriyada Waqooyi ayey khubaradu ku sheegeen in uu soo gaari karo magaalooyinka Chicago iyo Los Angles ee dalkaan Mareykanka.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG