Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Senate-ka oo ku Guuldarreystay inuu Baabi'iyo Obamcare


Sen. John McCain, R-Ariz.
Sen. John McCain, R-Ariz.

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa jimcaha maanta ah ku guul darreystay inuu sameeyo sharci qeyb ahaan baabi’inaya barnaamijka daryeelka caafimaadka ee Obamacare, oo jira muddo toddoba sano ah.

Saddex sharci-dejiye oo jamhuuri ah oo kala ah John McCain oo laga soo doorto Arizona, Lisa Murkowski oo laga soo doorto Alaska iyo Susan Collins oo laga soo doorto Maine, ayaa ku biiray xubnaha dimoqraaidga, si ay sharciga ugu diidaan cod ah 49-51.

Madaxweyne Donald Trump ayaa barta twitter-ka waxyar kadib weerar ku qaaday xubnaha Jamhuuriga ee la saftay dimoqraadiga.

“Saddex Jamhuuri ah iyo 48 dimoqraadi ah ayaa dhulka dhigay dadka Mareykanka. Sida aan horey u sheegay iska daayq ha guul-darreystee Obamacare, kadibna aan la tacaalno” ayuu yiri Trump.

Sharcigan ayaa baabi’in lahaa qeybo ka mid ah Obamacare sida qodobka dadka ku qasbaya inay ceymis caafimaad iibsadaan ama ay ganaax wajahaan iyo qodobka shirkadaha shaqaaleeya in ka badan 50 qof qasab uga dhigaya inay shaqaalahooda siiyaan ceymis caafimaad.

XS
SM
MD
LG