Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gabdho Soomaali-Mareykan Ah oo Cafiyey Haweeneey Ku Weerartay Erayo Islaam Naceyb ah


Sawirka gabdhaha Soomaali Mareykanka ah iyo naagti erayada ku weerartay oo is saamaxaya
Sawirka gabdhaha Soomaali Mareykanka ah iyo naagti erayada ku weerartay oo is saamaxaya

Maalintii Talaada ee la soo dhaafay ayaa magaalada Fargo ee Gobolka North Decotta ee dalkan Mareykanka haweeney Mareykan ah oo cadaan ah, oo 42 jir ah, lagu magacaabo, Amber Hensley, waxey hadallo Islam naceyb ah ku weerartay una sheegtay inay dileyso sadex gabdhood oo Somali ah, xilli ay ku jireen gaarigooda oo yaala halka baabuurta la dhigto ee Dukaanka weyn ee Walmart loo yaqaan.

Gabdhahan ayaa kamerada taleefankooda ku duubay hadaladii haweeneydan oo ay ka mid ahaayeen waxaan ahay Americaan,dhamaantiin Muslimiinta waan idin dileynaa aada wadankiinna iyo kuwo kale. Waxaana fidowyga uu qabsaday baraha Bulshada.

Hadaba wariyeheenna Maxamud Mascade ayaa ka wareystay dhacdadan Roda Soyan oo ka mid aheyd gabdhahaasi.

Wareysiga Islaam Naceybka
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:40 0:00

XS
SM
MD
LG