Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisadii ka Taagnayed al-Xaram al-Shariif oo la Xaliyey


Hogaamiyayaasha muslimiinta ee magaalada Qudus ayaa fasaxay in dib loo galo al-Xaram al-Shariif-ka ee masjidka Al-Aqsa uu ku dhex yaallo kadib markii Israel ay ka saartay aaladaha amniga lagu sugo ee ay ku dhejisay laba toddobaad ka hor.

Falastiiniyiinta ayaa maanta billaaabay inay ku dabaal degaan dibedda masjidka kadib markii albaabka laga qaaday qalabka birta sheega ee dadka la dhex marsiiyo, islamarkaana laga fujiyey kaamirooyinka duuba dhaqdhaqaaqyada dadka ee Israel ay ku rakibtay.

Qalabkan aaya Israel waxa ay ku dhejisay Al-Xaram Al-Shariif-ka kaidb weerar dhacay 14-kii July oo dabley Carab ah ay ku dileen laba ka mid ah booliiska Israel.

Ficillada Israel ayaa aad uga carreysiiyey muslimiinta magaalada Qudus, oo muddo tuhunsanaa in Israel ay dooneyso inay ballaariso maamulkeeda Al-Xaram Al-Shariif-ka, ee Yahuuddu ay u yaqaanaan Temple Mount.

Ayaga oo diidaya inay dhex maraan qalabka birta sheega ayaa muslimiinta waxay ku dukanayeen banaanka, waxaana kadib dhacay dibadbaxyo faro-badan oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

XS
SM
MD
LG