Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Askar Lagu Dilay Israsaaseyn ka Dhacday Muqdisho


Muqdisho
Muqdisho

Saddex ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa ku dhimatay mid kalena wuu ku dhaawacmay israsaaseyn galabta ka dhacday agagaarka dhismaha tiyaatarkii qaranka ee magaalada Muqdisho.

Askarta oo saarneyd gaari ayaa waxaa rasaas huwiyay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ku sugnaa Bar Kontorol oo ku taalla agagaarka Tiyaatarka.

Askarta dhimatay ayaa waxay ahaayeen sarkaal ka tirsan hey’adda Nabadsugga oo lagu magacaabo Ciise Jiijiile iyo laba ka mid ah ilaaldiisa, halka mid kale oo ilaalada ka mid ahna uu ku dhaawacmay.

Goob joogayaasha ayaa u sheegay in askarta miltariga ay rasaasta ku fureen gaarigan oo ay ka shakiyeen ka dib markii uu istaagi waayay.

XS
SM
MD
LG