Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaabiis lasoo daayay Ethiopia oo Muqdisho gaaray


Garoonka Muqdisho
Garoonka Muqdisho

114 xubnood kamid ah maxaabiistii Soomaalida aheyd ee ku xirneyd xabsiyada dalka itoobiya ee dhawaantan ay dowladda Soomaaliya ku guuleysatay in ay soo furato, ayaa caawa kasoo dagay garoonka diyuuradaha Aadan-cadde ee magaalada Muqdisho.

Maxaabiistan lasoo daayay waxaa safarkooda ku wehlinayay Danjiraha Soomaaliya ee Itoobiya fadhiya Max’ed Cali Nuur iyo Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya jooga Jamaaluddiin Mustafa.

Waxaa garoonka diyuuradaha kusoo dhaweeyay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, xildhibaanno iyo qaar kamid ah ehelada dadkan lasoo daayay.

Sii deynta maxaabiistan ayaa ku timid wadahadal horraantii bishan R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu Addis Ababa kula yeeshay madaxda dalka Itoobiya.

Waxaa wali ku harsan dalkaasi 6kamid ah maxaabiista la ogolaaaday in ay xorriyaddooda dib u helaan kuwaasoo la sheegay in dhawaantan ay iyaguna dalka soo gaari doonaan.

XS
SM
MD
LG