Isku xirrada

Netanyahu oo Go'aan ka Gaaraya Muranka Masjidka Al-Aqsa


Ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay inuu ka tahshanayo inuu masjadka Al-Aqsa ka saaro qalabka sheega birta ee dadku laga baaro, ee ka carreysiiyey dadka Falastiiniyiinta ah.

Kumanaan Falastiiniyiin ah ayaa ku dukanayey banaanka masjidka maalmihii dhowaa, ayaga oo kasoo horjeeda inay qalabkaas dhexmaraan si ay u galaan masjidka.

Falastiiniyiinta ayaa salaadda kadib waxay dhigayeen dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan tallaaboyinka la sheegay in amniga sare loogu qaadayo.

Qalabkan ayaa masjidka lagu soo kordhiyey kadib markii saddex qof oo Carab Israa’iiliyiin ah ay xabado ku fureen boliiska Israel, ayaga oo dilay laba sarkaal ka hor inta aysan cararin oo aan la toogan.

Netanyahu ayaa kala tashanaya kaaliyayaashiisa amniga in qalabkaas laga saaro masjidka ka hor salaadda jimce ee beri.



Facebook Forum

XS
SM
MD
LG