Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saddex Soomaali ah oo Lagu Dilay Ohio


Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha bulshada Soomaaliyeed ee magaalada Columbus ee gobolka Ohio, ayaa xaqiijiyey dilka 3 nin oo Soomaali ah oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay kooxo hubeysani ku dileen xaafado ka mid ah magaalada Columbus.

Sida ay sheegeen booliska magaalada Columbus, laba ka mid ah wiilasha la dilay ayaa kala ahaa Abdul Kadir Ali Yussef iyo Mohamed Ali Mohamed.

Wariyaha VOA-da Jaamac Buulle Jaamac ayaa Faah-faahinta dhacdadani ka wareystay Sheekh Horseed Cayni Nuux, oo ah madaxa Masjidka Abuubakar ee magaaladda Columbus iyo Cabdiwaaxid Cabdullaahi Warsame oo ah qareen ka tirsan xafiiska xeer ilaalinta ee magaaladda Columbus.

Hadalka waxaa ku hormaraya Sheekh Horseed Cayni.

Wareysiga Soomaalida lagu dilay Ohio
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:24 0:00


XS
SM
MD
LG