7 qof oo shaqaale ka ahaa hay'ad ka howgaleysay Bartamaha iyo Koonfurta Somalia oo lagu afduubtey inta u dhaxeyso degmooyinka Buur-hakabo iyo Baydhabo iyagoo kusoo socdey magaalada Baydhobo.
Shaqaalaha la afduubtey ayaa dhamaantood ahaa dad Soomaali ah oo watey gaarigi ay kasoo kaxeysteen magaalada Buur-hakabo.
Wariyaha VOA Mukhtaar Maxamed Catoosh ayaa la socdey xiriirna la sameeyey hay'ada iyo masuuliyinteeda. Sahra Cabdi Axmed ayuu u waramay.