Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya inay socdaan dadaallo lagu qaboojinayo colaad beeleed oo ay ku dhinteen dad badan taasi oo muddo bilo ah kusoo noqnoqonaysay deegaanka magaalada Cadalle iyo kuwa ku xeeran.
Caasha Ibraahim Aadan ayaa dadaalka socda iyo khasaaraha ka dhashay ka waraysatay Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Axmed Mayre Makaraan.