Isku xirrada

Sh/Dhexe: Macallimiin la Kulmay Shabaab oo la Baarayo


Shabaab

Kooxo ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa u yeeray macalimiin wax ka dhiga dugsiyada magaalada Jowhar, iyaga oo kula kulmay magaalada Gamboole oo 50 KM Galbeed kaga beegan magaalada Jowhar.

Taliyaha Nabadsugidda Gobolka Shabeellada Dhexe Cabdulqaadir Cabdullaahi Xaayow ayaa sheegay inay baaris ku wadaan illaa toddoba macalin oo la kulmay ururka Al-Shabaab, isla markaana ururkaasi u soo bandhigay Macalimiintan Manhaj Cusub oo ururka Alshabaab leeyahay.

Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa khadka telefoonka ku waraystay Taliyaha.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG