Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dablay hubaysan ay toogasho ku dileen sarkaal ka tirsan waaxda canshuuraha ee gobolka Banaadir.
Dilkan ayaa la sheegay in goor hore oo saaka ah uu ka dhacay degmada Hodan. Maleeshiyada dilka gaysatay ayaa la sheegay inay goobta kaga baxsadeen mooto ay wateen.
Dhinaca kalena magaalada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa xalay lagu toogtay Guddoomiye ku xigeenkii ururka haweenka ee degmada Xaliimo Xasan Diiriye. Sidoo kale dablayda gaysatay ayaa isla goobta ka baxsatay.
Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilalkan inkastoo maleeshiyada Al-Shabab ay inta badan sheegtaan dilalka ka dhacay waddanka.
Jamaal Axmed Cismaan ayaa dilka guddoomiye ku xigeenka ururka Haweenka Beled Xaawo ka wareystay guddoomiyaha ururkaas Canab Cabdi Cabdillaahi.