Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tahriibiye loo Gacan Geliyey Dowladda Soomaaliya


Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in mid ka mid ah mukhallisiinta dadka tahriibaya oo laga soo qabtay Suudaanta Koonfureed loo soo gacangeliyey dawladda Soomaaliya lana keenay Muqdisho.

Ninkan ayaa lagu eedeeyey inuu dadka ka tahriibiyo Soomaaliya, Kenya iyo Uganda, islamarkaana uu xiriir weyn la leeyahay dadka wax tahriibiya ee ku sugan Liibiya.

Haaruun Macruuf ayaa qabashada ninkan ka waraystay Safiirka Soomaaliya ee Suudaanta Koonfureed Xuseen Xaaji Axmed.

Wareysi: Xuseen Xaaji Axmed
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:41 0:00

XS
SM
MD
LG