Isku xirrada

Weerar Hoobiye oo Qof ku Dilay Muqdisho


Weerar Hoobiye

Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay hoobiyaal lagu tuuray qaybo ka mid ah magaalada.

Hoobiyayaasha la tuuray ayaa gaarayey ilaa lix xabo. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in qaar ka mid ah hoobiyayaasha lasoo tuuray aysan qarxin.

Hoobiyayaasha qarxay ayaa la sheegay inay ku dhaceen degmada Warta Nabadda, uuna ku dhintay hal qof, laba kalena ay ku dhaawacmeen.

Goobta hoobiyayaashan lala bartilmaameedsaday ayaa ah meel aan sidaas uga durugsaneyn xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Inta badan ururka Al-Shabab ayaa sheegta mas’uuliyadda weerrarada hoobiyayaasha ee lagu qaado magaalada Muqdishu, kuwaasi oo shacab badan ay ku waxyeelloobeen weerraradii dhacay haddaa ka hor.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG