Hay'adda qaxootiga Norway ee NRC ayaa war-saxaafeed ay soo saartay ku sheegtay in ay dad boqollaal ah ugu dhinteen cudurrada daacuunka iyo shuban biyoodka dalal dhowr ah oo ay Soomaaliya ka mid tahay. War-saxaafeed ay hay'addaasi soo saartay iyo wareysi ay idaacadda VOA siisay agaasimaha hay'addaasi ee gobolka Gabriella Waaijman, waxa warbixintan nooga diyaariyaya Jamaal Axmed Cismaan.