Isku xirrada

Shariif Xasan oo ka Hadlay Abu Mansuur


Mukhtar Robow

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shriif Xasan Sheekh Aadan ayaa soo dhaweeyey liiska argagixisada ee Mareykanka uu ka saaray Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Sharif Xasan ayaa sheegay in tallaabadaas ay wax weyn ka beddeli karto in amni lagu soo dabbaalo gobollada Koonfur Galbeed.

Shariifka ayaa dhinaca kale sheegay in haddii Abu Mansuur uu la shaqeeyo dowladda Soomaaliya ay noqon lahayd arirn wanaagsan, wuxuuna sheegay inuu la xiriir doono uu la hadli doono.

Caasha Ibrahim Aden (C.Cuud) ayaa wareysatay Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG