Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sideed Qof oo ku Dhintay Weerarka Syria


Telefiishanka dalka Syria ayaa ku waramay in gaadhi laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lala bartilmaameedsaday barxadda Taxriir ee ku taalla Dimishiq maanta oo Axad ah, waxaana halkaas ku dhintay ugu yaraan sideed qof, sidoo kale waxaa dhaawacmay tobanaan kale.

Guddidda dusha kala socda xiisadaha ka taagan dalka Syria ayaa sheegay in dhimashadu ay haatan kor ugu kacday illaa 12 qof.

Ciidamada ammaanka Syria ayaa sheegay inay beegsadeen saddex gaadhi oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey halkay ay lab aka mida ku burburiyeen goobta laga soo galo magaalada ka hor intii aanay waxyeello geysan.

Gaadhiga saddexaad ayaa isku qarxiyey Taxriir Square ka dib markii la hareereeyey.

XS
SM
MD
LG