Arday tiradoodu ku dhawdahay 27,000 oo arday ayaa maanta imtixaanka shahaadiga ah u fadhiistay guud ahaan Somaliland. Imtixaankan ayaa ku soo beegmay wakhti ay wasaaradda waxbarashadu soo saartay go'aamo adag oo ka dhan ah kala eegashada imtixaanka, kuwaas oo isugu jira xadhig iyo imtixaanka oo ardayda lagu qabtaa uu ka hadhayo. Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.