Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shiinaha oo ka Horyimid Hub Mareykanka uu ka Iibinayo Taiwan


Taipei, Taiwan
Taipei, Taiwan

Shiinaha ayaa muujiyey sida aanu ugu qanacsaneyn hub ku kacaya 1.4 bilyan oo dollar oo Mareykanka uu ka iibinayo Taiwan.

Beijing ayaa dooneysa in Washington ay ka laabato iibkan, oo ay ku qeexday “tallaabo qaldan”.

Safaaradda Shiinaha ee Washington ayaa tiri “tallaabada qaldan ee Mareykanka waxay ka horimaneysaa is-afgaradkii labada madaxweyne ee kulankii hotelka Mar-a-Lago iyo xiriirka soo wanaagsanaanayey ee Shiinaha iyo Mareykanka”.

Maamulka madaxweyne Trump ayaa congress-ka ku wargeliyey iibkan khamiistii, sida ay sheegtay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Heather Nauert.

China ayaa u aragtay Taiwan inay ka mid tahay dhulkeeda, inkasta oo si iskeed ah ay isku maamusho.

“Taiwan waxay qeyb ka tahay dhulka Shiinaha, waxaana si adag uga soo horjeednaa hub laga iibiyo” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimada Shiinaha Lu Kang.

XS
SM
MD
LG