Maamulla Koonfur Galbeed ayaa maanta ciidamo u diray gobolka Bakool si ay gacan u siiyaan Mukhtar Roobow Abu-Mansoor oo ku sugan gobolkaasi.
Arrintan ayaa timid kadib markii maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay ku dhawaadeen deeggaanada uu Roobow ku sugan yahay.
Abu Mansuur ayaa dhowaan laga saaray liiska shaqsiyaad si weyn ay u doonaysay dawladda Maraykanka, ayada oo lacag madaxiisa la dul dhigay dib looga laabtay.
Weriyaha VOA ee Baidoa Mukhtar Catoosh ayaa Caasho Cuud uga warramay arrimahan.
Facebook Forum