Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muwaadiniinta Yurub ee UK oo Deganaansho loo Ogolaanayo


Dawladda Britain ayaa ku dhawaaqday qorshe cusub oo u ogolaanaya Muwaadiniinta kasoo jeeda Midowga Yurub ee dalkeeda ku nool oo Soomaaliduna ay kamid yihiin in ay dalban karaan daganaansho haddii dalka Britain ay ku noolaayeen muddo shan sano ah ka hor inta dalkeedu uusan ka bixin Midowga Yurub.

Qorshahan cusub ee Britain oo aan si weyn loo qeexin waxaa shaki ka muujiyay Midowga Yurub oo sheegay in arrimahani ay qayb ka noqon doonaan wada hadalalada lagu wado in ay furmaan todobaadyada soo socda.

Hadaba Wariyaha VOA-da ee London, Ridwaan Xaaji ayaa warbixintan ku eegaya qorshaha cusub iyo Isfahan daradda ka dhex aloosan Midowga Yurub iyo Britain.

Warbixin: Ridwaan Xaaji Cabdiweli
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:09 0:00

XS
SM
MD
LG