Hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa in muddo ah sheegayey in muhaajiriinta soo mara dalka Liibiya ay la kulmaan xadgudubyo baahsan oo ay u gaystaan dadka ka ganacsada masaafurinta.
Mas’uuliyiinta Talyaaniga ayaa hadda sheegaya inay xidheen nin Soomaali ah oo lagu eedaynayo inuu ku lug leeyahay tacaddiyadaas.
Gabadh weriye ah oo lagu magacaabo Josephine McKenna ayaa aad ula socotay dhacdooyinkan, weriyahayaga Joe De Capua ayey uga warrantay, waxaase warbixintan inoo soo jeedinaya Ibraahim Xasan Daandurey.