Isku xirrada

Abaanduule ku xigeenka ciidamada isbahaysiga uu horseedka ka yahay Mareykanka Sareye Gaas Rupert Jones ayaa sheegay maanta in aysoo dhawaatay xureeynta kama dambeysta ah magaalada Mosul.

Jones ayaa sheegay in ciidamda Ciraaq ay ku jiraan hawlgal ay mintidiinta kaga nadiifinayaan magaalada oo ay qabsadeen seddax sano ka hor.

Ciidamada Ciraaq oo helaya taageero dhanka duqeynta cirka iyo mid dhulka ah ayaa gudaha ugu sii galay magaaada Mosul Axadiii shalay iyadoo 60 ilaa 70% magaalada la xureeyay.

Dhanka kale, Rupet Jones, waxa uu sheegay in ay soo dhow dahay xilligii xarrunta kooxda ISIS ee Raqqa la xureyn lahaa.

Kooxdaasi, ayuu hadda tilmaamay in ay naftooda u dagaalamayaan oo ay adag tahay in abaabulaan weeraro ay geystaan.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG