Isku xirrada

9 Qof oo ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Muqdisho


Qaraxa Saldhigga Waaberi

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku geeriyootay,19 kalena waa ay ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay Saldhigga booliska degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qarax oo loo adeegsaday baabuur nooca Surf loo yaqaan ayaa lala beegsaday saldhigga, sida uu kusoo warramay weriyaha VOA ee Muqdisho Axmed Xasan Colaad, oo ka ag dhowaa goobta qaraxa uu ka dhacay.

Baabuurka oo uu watay qof aan weli la aqoonsan ayaa la sheegay inuu ku leexiyey saldhigga, kadibna qaraxa uu dhacay.

Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira haween badan oo marayey waddada iyo qaar ka mid ah ilaalada saldhigga. Dhibanayaasha ayaa u badan dad shacab ah.

Wararkii ugu dambeeyey ee qaraxa ayaa waxaa ka warramaya weriyaha VOA ee Muqdisho Cabdulqaadir OK.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG