Diyaarado aan la aqoonsan dalka laga leeyahay oo kuwa dagaalka ah ayaa rasaas ku riday deegaanno ka tirsan Somaliland, sida uu VOA u sheegay guddoomiyaha gobolka Salal Axmed Maxamed Xaashi.
Diyaaradahan ayaa rasaas ku riday dad ku dhaqan miyiga deegaannada ku dhaw magaalo-xeebbeedda Saylac.
Walow aanay jirin dad wax ku noqday, haddana waxa uu sheegay Gudoomiyuhu inay sababeen dhimashada xoolo nool iyo argagax-gelinta dadka deegaanka.
Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.