Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab ee Muqdisho oo la Qabtay


Ducaale
Ducaale

Dawladda Soomaaliya ayaa maanta shaaca ka qaaday in ciidamada amniga ay howlgal ay ka sameeyeeen suuqa bakaaraha ee Muqidsho ay ku qabteen madaxii Amniyaadka Kooxda Al-Shabaab ee gobolka Banaadir C/Wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun).

Bayaan kasoo baxay wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayuu ku sheegay in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana uu dhacay maanta.

“Waxaa maanta qabanay C/Wahaab Khaliif Axmed oo loo yaqaan (Ciise Tarabuun) oo dhibaatooyinkii ka dhacayay caasimadda masuuliyadeeda lahaa, hadda wuxuu ku jiraa gacanta dawladda oo caddaaladda ayaa la horgeynayaa” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Ducaale ayaa sheegay in howlgalka maanta uu qeyb ka yahay howlgallo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay socday oo lagu xasilinayo amniga caasimadda.

XS
SM
MD
LG