Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Xasilintii Xagee ayey Maraysaa?


Xasan Kheyre
Xasan Kheyre

Ku dhawaad muddo bil ah ayaa laga joogaa markii DF Somalia ay ku dhawaaqday qorshe lagu xasilinayo magaalada Muqdisho. Qorshahan ay dawladdu sheegtay in ku dhimayso hubka ay dadku sida sharci-darrada magaalada ugu dhex wataan si dawladdu ay awood ugu hesho sugidda amniga. RWaha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa xalay xilli dambe tagey isgoysyada dhowr degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir si uu u soo eego sida hawsha xasilintu ay u socoto.

Waxaa iyaguna talaabooyin taas la mid ah qaaday guddoomiyeyaasha degmooyinka. Zeynab Maxamuud Warsame (Xaabsey) waa guddoomiyaha degmada Wardhiigley. Maxamed Cabdi Sandhere ayey ugu horeyn uga warantay halka uu qorshaha xasilintu marayo.

Dhageyso Xasilinta Muqdisho
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:50 0:00

XS
SM
MD
LG