Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Somaliland iyo Khaatumo oo Heshiis Gaaray


Waxaa galabta magaalada Hargeisa heshiis shan qodob ka kooban ku kala saxiixday Somaliland iyo Maamulka Khaatumo.

Nuqul ka mid heshiiska oo ay VOAdu aragtay ayaa qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in labada dhinaca ay ka wada shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Somaliland oo loo wada siman yahay oo ku dhisan cadaalad, maamul wanaag iyo xaq dhowrista xuquuqul isnaanka, kuwaas oo ku dhisan diinta Islaamka, sida qoraalka heshiiska lagu yiri.

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in Dastuurka Somaliland la furo si awood qeybsi caddaalad ah loo helo, maamulka oo la daadejiyo iyo in shir ay isugu yimaadaan labada dhinac 10ka bisha soo socota ee July.

Heshiiskan ayaa labda dhinac u kala saxiixay Guddoomiyaha Guddiga wada hadalka Khaatumo ee Somaliland ahna wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Sacad Cali Shire, halka dhanka Khaatumo uu u saxiixay Maxamuud Sheekh Cumar Xasan.

Dhageyso Somaliland iyo Khaatumo
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:29 0:00

XS
SM
MD
LG