Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Howlgalkii Maqaayadda Pizza House oo Lasoo Afjaray


Weerarka maqaayadda Pizza House
Weerarka maqaayadda Pizza House

Ciidamada amniga ee dowladda Somalia ayaa saaka waaberigii ku guuleystay inay soo afjaraan howlgal ay ilaa xalay ka wadeen makhaayadaha Pizza House iyo Posh Treat ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo dabley ka tirsan al-Shabbaab ay xoog ku galeen dadna ku haysteen.

Dowladda Somalia ayaa xaqiijisay in 18 qof oo rayid ah ay dhinteen, iyo 6-dii weerarka geystay.

Sidoo kale, saraakiil dhinanaca amniga ayaa VOA u sheegay in 5 ciidanka amniga ay weerarkaasi ku dhinteen.

Weerarkan ayaa ku bilowday baabuur uu watay qof isa soo miidaamiyey, waxaana xigay dablay hubaysan oo gudaha u gashay Pizza House.

Warbixintan waxaa inoo soo diray Seynab Abuukar.

Warbixin: Seynab Abuukar
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:36 0:00

XS
SM
MD
LG