Isku xirrada

London: Dad ku Dhintay Dab ka Kacay Dabaq


Dab damiyayaasha ayaa maanta oo arbaca ah sii wada isku day ay ku daminayaan dabkii ugu xumaaa inta la xusuusto oo ka kacay dabaq 24 biyaano ah oo ku yaalla galbeedka magaalada Lonodon.

Saacado kadib markii dabka uu bilowday ayaa kooxaha gurmadka waxa ay ka shaqeynayaan inay soo badbaadiyaan dadka ku dhex xanniban dhismaha, islamarkaana ay tiriyaan kuwa dhintay.

“Waxaa aad uga xumahay inaan xaqiijiyo in khasaare nafeed uu jiro” waxaa sidaas tiri madaxa dab damiska London Dany Cotton.

Booliska London ayaa sheegay in 6 qof ay ku dhinteen dabka.

Dadka deriska la ah dhismaha ayaa sheegay inay maqleen dad ku qeylinaya in la caawiyo, ayada oo dabkuna uu dabaqa oo dhan ku baahay xilli dad badan ay gudaha ku xaniban yihiin.

Dadka ku sugan gudaha dabaqa ayaa qaarkood waxay xalay daaqadda ka iftiiminayeen taleefanadooda gacanta, si loo arko oo loo caawiyo.

Dabaqan ayaa ka kooban 140 aqal, waxaana ku nool qiyaastii 500 oo qof.

Aden Mataan oo madax u ah ururka ATM waxaa uu ku nool yahay meel aad ugu dhow dhismahan oo wali la damin la’yahay, waxaana uu sheegay in ay qayb ka qaadanayaan gurmadka loo fidinayo dadkii ku noolaa dhismaha.

Wariyaha VOA-da ee London Ridwaan Xaaji ayaa ugu horrayn weydiiyay wixii uu xalay arkayay markii dabkaasi kacay.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG