Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ismaaciil Cumar Madar oo Wareysi Siiyey VOA


Ismaaciil Cumar Madar
Ismaaciil Cumar Madar

Ismaaciil Cumar Madar oo ah arday dhalinyaro ah oo ka qayb galay tartanka qur’aanka kariimka ah ee sannad walba ka dhaca dalka Imaaraadkaa ayaa sheegay in laga soo masaafuriyey dalka Imaaraadka Carabta.

Ismaaciil oo wareysi siiyey VOA ayaa soo ceyrintiisa ku sababeeyey inay la xidhiidho xiisadda siyaasadeed ee ka dhex aloosan wadamada Carabta iyo mowqifka ay Soomaaliya arrintaas ka qaadatay.

Ismaaciil Cumar Madar oo haatan ku sugan magaalada Hargeysa oo uu dib ugu laabtay ayaa u waramay Ismaaciil Xuseen Farjar, waxaana uu ugu horrayn sharxayaa tirada ardayda Soomaalida ee kala metelayey waddamada caalamka.

Wareysi: Ismaaciil Cumar Madar
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:30 0:00

XS
SM
MD
LG