Isku xirrada

Warbixin: Maxaa Caruurta ka Dhiga Derbi Jiif?


Ururka caalamiga ah ee shaqaalaha adduunka ee marka la soo gaabiyo la yirahdo ILO ayaa sanadkii 2002-dii u asteeyay 12-ka June maalinta caalamiga ah ee la dagaalanka ku shaqeynta caruurta.

Waxaa maalintan, oo maanta ku beegan diiradda lagu saaraa xajmiga caruurta dunida la shaqaaleysiiyo iyo tallaabooyinka loo baahan yahay in la qaado si loo cirib tiro.

Soomaaliya waxey ka mid tahay meelaha colaadaha, saboolnimada iyo furiinku ay dhaxalsiiyaan caruur badan ay noqdaan derbi jiif, qaarkoodna lagu shaqeysto.

Haddaba ku soo dhawaada qeybta 1-aad barnaamijyo dhowr ah oo ay VOA-du ku eegeyso xaaladda caruurta. Qeybtan ayaan si gaar ah u eegeysa Sababta caruurtaasi derbi jiif ay u noqdeen.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG