Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Israsaasayn ka Dhacday Baydhaba


Wararka ka imanaya magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in toogasho ay ka dhacday goor dhowayd xero ay ku sugan yihiin dadka soo barakacay.

Toogashadan ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen 6 qof ilaa 9 kalena ay ku dhaawacmeen.

Toogashadan ayaa la sheegayaa inay timid kadib markii is rasaasayn dhexmartay xubno ka tirsan ciidanka amniga.

Ilaa hadda ma cadda waxa khilaafku ka dhashay iyadoo wararka qaar sheegayaan in dhinac ka mid ah dhinaca is rasaaseeyey loo diiday inay galaan xerada barakacayaasha oo raashin lagu qaybinayey.

XS
SM
MD
LG